Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa saxiixay miisaaniyadda dowlad goboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug.
Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar.
Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay.




From the comments