Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada muddooyinkii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah gobalada dalka, waxa uuna si gaara uga ahdlay dagaalka gobalka Gedo isaga oo dagaalkaasi ku tilmaamay mid sokeeye.
Madaxweyne cabdiqaasim ayaa sheegay in dadka gobalka Gedo isku dilaya ay yihiin dad walaala ah waxa uuna cuqaasha deegaanadaasi ugu baaqay in ay colaadaasi soo afjaraan.
“Dagaalka ka socdo gobaladu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn” ayuu yiri madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.




From the comments