Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxa uu mar kale gaaray magaalada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose halkaasi oo uu dhowaan ka soo laabtay.
Socdaalka Axmed Madoobe ee magalaadaasi ayaa waxaa ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah saraakiisaha ciidamada maamulkaasi.
Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.




From the comments