Dowladda Kenya ayaa waxa ay xaqiijisay in kiisas kale oo hor leh oo caabuqa Coronavirusa laga helay dalkeeda, waxaana tirade guud ee dalkaasi ay sii cagacageynaysaa ilaa 7 kiis.
Mutahi Kagwe oo ah wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in dadka laga helay cudurkan ay dhamaantood ka yimaadeen dalka dibaddiisa.
Kiisaskan ugu dambeeyay ayaa kala ah lamaane kasoo safray caasimadda Spain, waxayna soo mareen Dubai 5-tii bishan, halka qofka saddexaad uu u dhashay Burundi isla markaana uu dalka yimid 17-kii bishan.




From the comments