Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta meel mariyey Miisaaniyad-sanadeed cusub oo maamulka ku shaqeyn doono sanadka 2020-ka, waana miisaaniyaddi ugu horeysay ee maamulku yeesho.
Kulan maanta golaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Jowhar oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Cabdi Xuseen Geedi, waxaana soo xaadiray 51 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
Golaha ayaa meel mariyey miisaaniyad-sanadeed gaareyso toban iyo afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us). Taas oo maamulka uu ku shaqeyn doono sanadka 2020.




From the comments