Goobjoog

Boqorka Dalka Wales Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. “Amiir Charles, oo 71 sano jir ah,…

Boqorka Dalka Wales Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus
LONDON, ENGLAND – MARCH 04: Prince Charles, Prince of Wales speaks during a visit to the London Transport museum to mark 20 years of Transport for London on March 4, 2020 in London, England. (Photo by Victoria Jones – WPA Pool/Getty Images)

Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence.

“Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska.

Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay.

Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland.

Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments