Wararka aan ka helayno waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi saacadihii la soo dhaafay iska hor imaad ay dad ku dhaawacmeen uu ku dhexmaray maleeshiyo xoog ku furatay maxbuus iyo ciidanka ilaalada xabsiga Gaalkacyo.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo ay ku jireen maxbuuska xoogga lagu furtay iyo taliyaha xabsiga Gaalkacyo ayaa ku dhaawacantay shaqaaqadaasi, waxaana la sheegay in markii maleeshiyadan ay sida xoogga ah ku furanaysay maxbuuska loo sii waday cisbitaal ka dib markii uu ku xanuunsaday gudaha xabsiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maxbuuska ay maleeshiyadan xoogga ku furteen uu ku xukunnaa dil toogasho ah ka dib markii lagu helay in uu ku lug lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo.




From the comments