Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey qarax maanta ka dhacay malaagada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro oo soo gaaray dad shacab ah .
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in la xaqiijiyey in qaraxa ay wax ku noqdeen 6 ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.
Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in la xaqiijiyey afar ruux oo isku qoys ah oo waxyeello ka soo gaartay qaraxa in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii la geeyey goobaha caafimaadka, sedexda ruux ayaa kala ahaa Aabihii qoyska waxyeelladu soo gaartay , Hooyadii iyo Caruur ay dhaleen, kuwaas oo ganacsi yar ku lahaa goobta ay wax ka dhaceen sida warbaahinta uu u sheegay Afhayenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere.
“Waxaa dhacday in uu ruux naftii haliga ah uu soo dhex galay dad shacab ah naftiisiina haligay shacab danley ah qaarkood oo meeshaan ku ganacsanaayey iyo dadkii deganaa halkaan uu ku halaagay, Inta la xaqiijiyey khasaaraha waxaa ay gaarayaan 6 qof waxaana ku jira 4 qof oo hal qoys ah waxaana markii goobaha caafimaadka la geeyey nasoo gaaraya in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen” ayuu yiri afhayeenka.
Afhayeen Saalax Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxadir dheeri ah ay muujiyaan, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya si loo badbaadiyo nafta iyo maalka shacabka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa mar weliba ka dhaca qaraxyo kuwaas oo ay oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur hanyiyadeed oo soo gaaroo dadka shacabka ah.
Goobjoog News