Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa soo gaban gabeeyey doorashadii gudoomiye- xiigeennada baarlamaanka labaad ee maalmulka oo maanta galinkii hore Cali Siciid Fiqi u doortay gudoomiyha golaha wakiillada.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa ku loolamay Maxamed Nuur Macalin iyo Aamino Isxaaq Maxamed , waxaana ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenka koowaad Maxamed oo helay 84 cod halka Aamino ay heshay 8 cod .
Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku guulaystay Shamso Maxamed Yaroow oo kaligeed u taagneed xildhibaannada ayaana ugu codeeyey qaab gacantaag ah maadama uusan jirin ruux kula loolamayey tartanka.




From the comments