Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa goordhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulaasi u doortay safiirkii hore ee Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siiciid Fiqi.
Hoolka ay ka dhaceysay doorashada guddoonka ayaa waxaa soo xaadiray 92 xildhibaan waxaana guddoomi yaha u codeysay 86 mudane, waxaana xumaaday 8 cod halka ay ka maqnaayeen goobta 3 xildhibaan.
Guddoomiya la doortay ayaa waxaa xilka kula loolamayey Maxamed Cabdi raxiin Nuur kaas oo helay 2 cod, sidaas ayuu Dr. Cali Siciid Fici uu ku noqday guddoomiyaha cudub ee baarlamanka labaad ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxbannaan.




From the comments