Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Horshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa war ka soo saaray xilka qaadista guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdulle Nuur,
Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay sharci daro xil ka qaadista lagu sameeyey guddomiyaha maxkamadda isaga oo sheegay in Garsoorku ka madaxbannaan yahay laanta fulinta.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaa ku daray in maamulka hirshabelle ku jiro xilli kala guur ah aysan sharci ahey in xilka laga qaado masuuliyiinta maamulka hirshabelle inta ay ka dhacayso doorashada hirshabeelle.






From the comments