Hawlgal ay saakay Ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdhiigle iyo deegaanka KM 50. ayaa waxa ay ku burburiyeen Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen dhul ballaran oo horay looga saaray.
Howl-galkaan Lagu bur buriyay Muniiyinka ayaa waxaa sameeyay ciidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ee jooga deegaankaas.
Taliyaha ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Axmed Maslax Xuseen oo la hadlay Warbaahinrta qaranka ayaa faah faahiyay howl-galkaan lagu soo saaray miinooyinka.




From the comments