Roobab Dabeylo wata oo ka da’ay Magaalada Dhusamareb ayaa Sababay khasaare isugu jira Barakac iyo Guryo dumay waxaana Daadadku ay go’adoomiyeen Xaafado ka mid ah Magaalada sidoo kale waxaa hakad uu ku yimid isu socodka Gaadiidka iyo Dadka.
Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa ku howlan sidii wax looga qaban lahaa Daadaka Magaalada ku soo rogmaday iyo saameynta uu ku yeeshay dadka danyarta ah.
Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qoroow oo Warbaahinta kula hadlay Martamaha Magaalada ayaa Faafaahin ka bixiyey Saamaynta Roobabkani ku yeesheen Magaalada iyo Qasaarihii ay gaysteen Roobabkii hore waxa uuna xusay in loo baahan yahay in loo gurmado Dadka Roobabku saameeyeen.







From the comments