Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalda Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wafdiga ayaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee duleedka Baledweyne.
Wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan, waxaana u jeedka safarkooda lagu sheegay sidii loo qiimeyn lahaa xaalada fatahaadaha ee Webiga uu ka sameynayo Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka kan degamada Baladweyne iyo bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada waxaana kulanka looga hadlay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xaaladaha fatahaada iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne ee mar weliba soo laab laabta markii webiga uu biyo keeno.




From the comments