Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Alshabaab oo sida la sheegay bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ku taalla waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal,Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigaan bamba gacmeedka ku tuurayay bartaasi koontarool oo ciidamadu hubinayay gaadiidka ay ku sugnaayeen.
Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugidda amniga isaga oo shacabka degmadaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka.




From the comments