Guddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta deeq lacageeed waxaa ay gaarsiiyeen qoyskii ku waxyeeloobay fatahaadda Webiga Jubba uu dhowaan uu ka sameeyey magaalaasi.
Deeqdaan Lacageed ayaa waxaa ka faa’ideystay kun qoys oo deganaa qaar ka mid ah xaafadaha Baardheere kuna barakacay fatahaadii uu sameeyey webigga Jubba ayaa qoyskasta wuxuu helayaa lacag dhan $60,lacagtaas oo maanta lagu wareejiyey shirkadda Hormuud ee magaalada Baardheere .
Lacagtani waxay qeyb ka tahay $80 kun oo baaqi ka ahaa deeqdii lacageed ee Dowladda Federaalka soo gaarsiisey Baardheere, barakacayaasha ayaa lacagtani waxay ku gaari doontaa hab EVC shacabka barakaca ah ee Baardheere.




From the comments