Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay amarro ku wajahan bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland waxaana amarku si gaar ah u samaynayaa Haweenka oo looga digay in ay xirtaan Niiqaabka indhaha lagu xirto ee dumarka ay qaataan.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in hey’adda horay u joosisay mar kalena ay ku cilinayso in loo hoggaanamo mamnuucidda Niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyada ah, waxaana lugu yiri qoraalka ka soo baxay Nabad-suggidda & Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland.
“Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay.




From the comments