Degmada Bosaas ee xarunta Gobolka Bari waxaa afartii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ku yeelanayay dhallinyaro ka socotay magaalada Melbourne ee Dalka Australia iyo qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan gobolka Bari,waxayna arintan dhiiri-gelin u noqotay dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanada Puntland,iyagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso isu soo dhawaashaha labada dhinac.

Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne DR.Xuseen Xararkow ayaa u u mahad celiyay shacabka iyo bahda isboortiga degmada Bosaaso sida weyn ee loogu soo dhaweeyay degmadaas wuxuuna sheegay 2019 in ay ku soo aadeen xili roobaad oo aad u degan dhallinyarada ay ka heleyn.







From the comments