Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland ay la goosteen hub iyaga oo la aaday dhinaca gobalka Sanaag waxaana ka soo baxaya faahafaahinno kala duwan.
Ciidankan goostay ayaa ku sugnaa deegaanka buuraleyda ah ee Af-urur waxa ayna ka mid ahaayeen askar dhowaan tababar loogu soo xiray deegaanka Xorgoble ee magaalada qardho waxaana markaas ka dib loo wareejiyay buuraleyda Af-urur si ay uga qeybqaataan dagaalka lagula jiro Daacishta halkaasi ku sugan.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in askartaan goosatay ay habeen ka hor isaga baxeen Af-urur waxaana la sheegay in hubka ay la baxsadeen uu u badan yahay qoryaha fudfudud ee loo yaqaan AK-47, waxaana la soo warinyaa in ciidankaasi ka tirsanaa daraawiishta Puntland ay qorsheynayaan in hubkaasi ay iibsadaan si ay ugu badashaan lacag.




From the comments