Waxaa warar dheeraada laga helayaa nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dilka shaqsigaasi ay fuliyeen kooxo hubeysnaa.
Dilka marxuumka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan waxaana sababta ka dambeysay dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan.
Wararka qaar ay sheegaya in marxuumka loo dilay taleefankiisa gacanta oo kooxda dilka u geysatay ay doonayeen inay ka dhacaan balse uu isagu ka dhaga adeegay sidaasi loo dilay balse lama xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysay dikiisa.




From the comments