Warbixin: Xaliimo Yarey oo Ku Dhawaaqi-doonto Xilliga Doorashada Soomaaliya May 27, 2020
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo xilliga doorashada guud ee Soomaaliya la galayo, waana dhammaadka bishan May sida uu dhigayo sharciga doorashada.
Wareysi gaar ah oo ay Goobjoog News siisyey ayaan wax weydiiney arrinkan guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil waxayna tiri” Si fiican ayuu noogu diyaarsan yahay, waxaan sugeynaa sida sharciga doorashada ku dhigan waxaa uu leeyahay 6 bilood ka hor maalinta doorashada loogu talogalay guddigu waa inuu baarlamaanka hortago, waxay ku aadan tahay 27-ka May, waa waxyaabaha aan hadda ka shaqeyneyno sidii aan baarlamaanka u hortagi laheyn, si fiican ayaan uga shaqeynay”.
Akhriso: Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee sharciga doorashada:
Baarlamaanka federaalka ah oo hadda fasax ku maqan ayaan la ogeyn in xilligaas ka hor ay fariisan karaan ama iney la kulmi-doonto uun guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah si ay go’aanka ugu sheegto.
Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa baarlamaanka federaalka ah uu guddi gaar ah u saaray sameynta habraacyada doorashada, waxaa kale oo isla goleyaasha sharci-dejinta horyaalla sharciga xisbiyada oo dib u eegis ku jira, welina dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada kama heshiin nooca doorashada.
Siyaasiyiin iyo falanqeeyeyaal la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen iney adag tahay doorasho qof iyo cod ah sanadkan dalka ka dhacdo iyaga oo soojeediyey in lagu laabto middii 2016-ka ama waxyar laga badalo.
International Crisis Group oo iyana hadashay ayaa soojeedisay arrintaas oo kale oo ah iney doorashada golaha shacabka ka qeyb galaan 14,000 oo ergo kuwaasoo dooranaya 275 oo kuraasta golaha shacabka ah.
Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey in Nabad iyo Nolol aaney daacad ka aheyn doorasho qof iyo cod ah iney dhacdo 2020-ka iyada oo la diiwaangeliyey 82 xisbi oo aaney ku jirin midka xukuumadda.
Goobjoog News