Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha labada aqal ayaa waxa ay ku shaaciyeen xilliga rasmiga ah ee uu furmi doono kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo fasax ku maqnaa.
Guddigan ayaa dood dheer ka dib isku raacay in 06-06-2020 uu si toos ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka, waxaana meesha ka baxeysa hadalkii guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay baarlamaanka hortegi doonto 27-ka bishan.
Marka uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa waxyaabaha ugu horeeyo ee uu qaban doono waxaa ka mid ah inay shacabka u cadeeyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyadoo horey loo magacaabay guddi isku dhaf ah kuwaas oo ka shaqeyn doono diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka.




From the comments