Waxaa goor magaalada Muqdisho uu kulan uga furmay guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo la filayo in kulankan ay ka soo bixi doonaan qodobo quseeya xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare.
Kulankan ayaa waxaa goob jog ah islamarkaana shir guddoominaya guddoonka labada aqal waxaana kulanka uu ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa.
Ajendaha ugu weyn ee kulankan ayaa ah in go’aan laga soo saaro xilliga uu furmi doono kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya xilli ay xusid mudantahay saameynta safmarka Coronavirus uu ku yeeshay dalka.




From the comments