Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay inay la wareegeen maleeshiyaad dhowaan weerar ka geystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka DANAB ee ka tirsan xoogga dalka iyada oo wasaaraddu intaas ku dartay in sidoo kale ay si toos ah ula wareegeen gaadiidkii dagaal ee ay maleeshiyaadkaasi wateen.
Wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayey u suura gashay in maleeshiyaad ku dhow lixdameeyo iyo gaadiidkoodii ay xalay saqdii dhexe soo galeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxaana maleeshiyaadkaasi laga soo kaxeeyay tuulada Saaxo Qurux ee ka tirsan gobalka Mudug.
“Ilaahay fadligii dadaal dheer oo ay dhinacyo badan qeyb ka ahaayeen ayaa waxaa wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha u suurtagashay inuu ku guuleysto la wareegista si nabadgalyo ah dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo weerar ka geysatay fariisin ciidanka Danab ee XDS ay ku leeyihiin duleedka Koofurta Gaalkacyo. Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari, oo wasiirku uu horkacayey ayaa xalay saqdii caasimadda Dh-mareeb soo gaaray kuwaasoo laga soo waday tuulada Saaxo Qurux oo degmada Goldogob ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.




From the comments