Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41-aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno ay gacanta ku hayn jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobalkaasi.
Taliyaha ururka 41-aad dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Al shabaab ay dadka uga qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan sakawaat
Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in halkaasi ay ku gubeen gaari Al shabaab ay lahaayeen oo siday, raashin,hub iyo laabtoobyo islamarkaana ay Al shabaab ka carareen sida lagu baahiyay warkaan warbaahinta dowladda.




From the comments