Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen Senetaro ayaa maanta waxa ay kormeer ku sameeyeen baraha Koontorool ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ka dib markii dhowaan wasaaradda amniga Galmudug ay halkaasi geysay ciidamo boolis ah.
Wasiir Fiqi oo dadaalo kawada deegaannada Galmudug ayaa waxa uu dhowaan ku guuleystay inuu si rasmi ah ula wareego maleeshiyaad hubeysnaa iyo gaadiidkoodii, waxaana haatan u suura gashay in baraha Koontorool ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ku wareejiyo ciidamo boolis ah oo si toos ah uga amar qaadan doona wasaaradda amniga Galmudug.
Ciidankan booliska ah ayaa hadda ka dib sugi doona amniga Koonfurta Gaalkacyo iyada oo sidoo kale ay dhamaan la wareegeen goobihii lagu qaadi jiran canshuurta, waana tallaabooyin dhinaca horumarka iyo nabad gelyada loo qaaday islamarkaana ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda amniga Galmudug oo uu wasiirka ka yahay Axmed Macallin Fiqi.









From the comments