Wasiirka Amniga Galmudug oo Soo Celinaya Xarumihii Danta Guud
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Amray In la baneeyo xarumaha Danta guud ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ay haystaan Shaqsiyaad iyo maleeshiyaad kala duwan.
Wasiirka ayaa sidoo kale amray in Ciidamada Daraawiishta ka baxaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada Gaalkacyo isla markaana tagaan xerada Indha-qaris oo ku taala duleedka degaanka Docol ee gobolka Mudug.
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegey Goob ciidamada amniga maamulka Galmudug ay ku soo bandhigayeen Khamri fara badan oo ay ku soo qabteen howgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada iyadoo ciidamada lagu amaray isla goobta in ay burbiriyaan Khamrigaasi.
Sidoo kale wasiirka ayaa kulan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo Isku duwayaasha wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda iyo gadiidka waxaana kulankaan diiradda lagu saaray caqabadaha haystay shaqada wasaaradahaan iyo maamuladda.
Ugu dambeyn dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa wasiir ka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi Ku amaantay doorkiisa ku aadan dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinkii yaallay gobolka kuwaas oo caqabad ku ahaa Bulshada ku safarta wadada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Galmudug.
Goobjoog News