Goobjoog

Booliska Kenya oo Dilay Nin Ay uga Shakiyeen inuu Ka Tirsanyahay Al Shabaab

Ciidanka booliska Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganayey halka afar kale oo ay ku jirta xaaskiisa dhaawac ku…

Booliska Kenya oo Dilay Nin Ay uga Shakiyeen inuu Ka Tirsanyahay Al Shabaab
FILE PHOTO: Kenyan police officers drive in their truck as they arrive at the scene where explosions and gunshots were heard at the Dusit hotel compound, in Nairobi, Kenya January 16, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya/File Photo

Ciidanka booliska Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganayey halka afar kale oo ay ku jirta xaaskiisa dhaawac ku soo gaaraay hawl-gal gurigiisa lagu qaaday xalay, kaasi oo ku yaala deegaanka Kwale oo u dhow magaala xeebeedka Mombasa.

War-gayska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in ninkan lagu magacabi jiray Maxamed Mapenzi uuna la dagaalamay booliska ka hor inta aysan dilin isaga.

“Maadaama ay saraakiisha ciidanka isu diyaarinayey in ay u dhacaan guriga laga shakisanaha, waxa uu durbadiiba furay albaabka waxa uuna soo tuuray garneel(hub) taasi mid kamida dhaawac ka soo gaaray”, Sidaas waxa lagu yiri warbixinta booliska oo ay aragtay Jariirada.

Warkan waxa uu intaasi ku darayaa in 3-dex carruur iyo hooyadood oo dhaawaca la dhigay cusbitaal.

Dilka ninkan lagu tuhunsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa imaanaya bil kadib markii ay sidan oo kale laba nin oo loogu shakiyey Al-Shabaab-nimo lagu dilay deegaanka Kwale iyo Likoni oo dhanka xeebta dalkaasi dhaca.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments