Xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan magaladaasi habeenkii seddaxaad. Muddaaharaadayaasha ayaa ka careysan dilka ay boolis dileen nin madow oo aan hubeysnayn.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg xili ay magaaladaasi ka jirta bililiqo.
Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.




From the comments