Dowlad goboleedka Puntland ayaa dib u fureysa maxkamadaha xili weli uu jiro covid-19 waxaa maanta shir ku wada yeeshay xarunta Wasaaradda caafimaadka Puntland masuuliyiinta Wasaraadda iyo Garsoorka Puntland waxaana laga wada hadlay talaabaaoyinka caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cudurka Covid-19 si dib loogu bilaabo adeega Maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad u leh.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay mas’uuliyiinta garsoorka kulanka ay wada yeesheen kaasi oo lagu doonayo in la iskula meel dhigo talaabooyinka caafimaad ee loo baahanyahay in la hirgeliyo inta aan dib loo bilaabin shaqooyinka Maxkamadaha.
Waxaana Agaasimahu uu faray in loo bahan yahay in Maxkamadaha oo shaqadoodu socoto hadana laga hortago in xanuunka safmarka ah ee Covid-19 uu ku fido xarumaha Maxkamadaha oo dad badan iskugu yimaadaan inta badan.




From the comments