Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowlad goboleedku ay wado ay u hogaansanto.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynaha in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, xili labbada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya.
“Waxaan rabaa saakay inaad qaadataan dhulka ilaahay baa iska leh, qof walbana intuu ku nooleeystuu ku leeyahay, Guddiga waan la dardaaramay Iyo Culimada labba qolana waan u sheegay laangooyada, dhulka la oodayo, waxa badan ee la jiidayo, hala joojiyo” ayuu yiri Madaxweynhaa Jubbaland oo la dardaarmaya dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirwaynahaa iyo guud ahaan dadka ree Jubbaland.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dhulka ay Dowladu Masuul ka tahay isla markana qof walba oo ree Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta.
Madaxweynaha Jubbaland oo labbadiisa garbood ay taagan yihiin labba ugaas ayaa yiri “Labbad Ugaas waxaan rabaa anigoo masuul ah oo ilaahay maantay masuuliyad iga saaray inaan balan idinkula galo sidaan shalay mid walba gooni ugula hadlay howshaas in lasoo afjaro, dadkii la dhax galo, la dhax ordo, baadida la daayo dadkii la isku keeno, ardaalka aan iska qabano intaa balan maku galnay Alla hortiisa.







Goobjoog News
From the comments