Madasha xisbiyada qaran ayaa ka warbixisay natiijada kulankii maalintii shalay dhex maray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheeikh Axmed, Xasan Sheeikh Maxamuud iyo goddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka la filayo in dhowaan ay ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkaan.
Qoraal ka soo baxay madasha ayaa lagu lagu yiri “Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sharif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee madasha xisbiyada qaran ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare).
Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.




From the comments