Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa ka digay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka taas oo lagu saleeyey nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, iyadoo ay muuqato in ay adag tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa dhanka kale xusay in nidaamka 4.5, uu ahaa xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay inkastoo uusan marnaba nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan maanta mar kale dib loogu laaban sida uu ku sheegay qoraal uu soo geliyey baraha bulshada.
“Waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.




From the comments