Akhriso: Ajendaha Kulanka Ugu Horreeya Ee Golaha Shacabka
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliym, kulanka guddiga ayaa ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah ee golaha shacabka.
Kulanka guddiga ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku-xigeen.
Kulanka ayaa inta uu socaday waaxa looga hadlay Ajendiyaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo maalinimada barrito ah oo taariikhdu tahay 10-6-2020-ka
Kulanka golaha shacabka ay yeelan doonaan barri ayaa lagu wadaa in looga doodo sharci axsaabta oo mid ah sharciyada ugu ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay habdhowraha golaha shacabka xildhibaan Nuux.
“Maanta waxaa uu ahaa furitaanka guiddiga joogtada ah oo looga hadlayey ajendaha koowaad ee uu ku furmi doono 7-aad ee golaha shacab, waxaa la isla gorfeeyey shuruuc badan oo yaallo in loogu soo hor mariyo sharciga Asxaabta oo maalinta barri ay tahay in ay ka doodaan dib u eegisna lagu samaynaayo ” ayuu yiri habdhowre xildhibaan Nuux.
Goobjoog News