Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay bogga golaha shacabka.
Guddigan ayaa la sheegay inay ka shiri donaan sidii ay u diyaarin lahaayeen ajendayaasha kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmay sabtidii.
“Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay booga golaha shacabka.




From the comments