Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu 14-kii bishan ku dhawaaqay in la qabanayo shir dhexmara madaxda dowladda federaalka, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyagoo ku sheegay talaabo muhiim ah oo xoojineysa iskaashiga dhinacyada.
Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba in ay ka faa’iideystaan fursaddan, islamarkaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin doorasho ka dhacda dalka oo dhan.
Qoraalkan ayaa lagu yiri, “Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland.”




From the comments