Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garowe ee caasimaadda dowlad goboleedka Puntland uu ka furmo kalfadhigii 46-aad ee golaha Wakiillada maamulkaasi.
Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku- xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona xafladda furitaanka golaha.
Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u laheyn, taasi oo muhiim u ah hannaanka xisbiyada badan.




From the comments