U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Maanta Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Juun 17, 2020

Golaha shacabka ee  Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha maanta ayaa ah in akhrinta 3-aad la mariyo Hindise-sharciyeedka Nootooyinka oo golaha uu horay u soo mariyey akhrinta 1-aad iyo 2-aad, golaha ayaana lagu wadaa in ay meel mariyaan sharcigaan.

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka, waxaana horyaalla shaqooyin dhowr ah,.

Googjoog News