Falanqeeye Ibraahim Geedow “Waa In Lala Xisaabatamaa Wasiir Khadiijo Diiriye Iyo Cabdiqani Saciid ”
Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka.
“shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale.
Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya.
Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya.
Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka.
Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha dibada.