Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo xalay ka hadlay xafladda daahfurka mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa ballanqaaday ka siyaasi ah inuu ka shaqeynayo in aan dib loo noqon.
Guddoomiyaha oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Qof weliba waxaa uu sameeyey ballan qaad, qole waxaa ay balanqaadeen lacag, qole waxaa ay balanqaadeen duco iyo taageero. Annigu waxaan rabaa inaan halkaan ka ballanqaado, wixii ugu muhiimsanaa oo ka maqnaa, aniga oo ku hadlaayo magaca siyaasiyiinta halkaan fadhisa oo dhan, taasna waxaa ay tahay ( Good politics) siyaasad wanaag, siyaasaddii ayaan ballanqaadayaa, inaan dib loo noqonaynin, oday dhaqameed iyo siyaasi hore oo hadlay in aan gadaal loo noqon. waxaan rabaa inaan ku dhiirado gadaal inaan loo noqonaynin ballan qaadkaan waa ka culus yahay 40 milyan iyo 50 milyon” .
Dhanka kale, waxaa guddoomiye Abshir bogaadiyey maamulka Qooqoor”Waxaan ku bogaadinayaa madaxweynahay Galmudug in uu soo abuuray, dowalad lagu faani karo, oo Galmudg qiimaheedii sare u qaaday, oo aad qaali uga dhigtay, xukuumaddaas madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu soo dhisay, laakiin ilaa iyo hadda waxqabad weyn oo aad iyo aad u ballaaran aan weli waqti badan, waxaad ogaataan inaad qiimihii Galmudug aad sare u qaadeen, waxaa la rabaa in aad arrintaas aad ka dhabeysaa. Waxaan rabaa inaan si gooni ah ugu mahad celiyo markale dadaallada nabadeynta mideynta xagga siyaasadda, dhulka iyo deegaanka in taba uu wado madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor).




From the comments