Xaflad si weyn loo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray mashruuc ah kii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Galmudug.
Xafladda waxaa joogay maamulka cusub ee Galmudug eeuu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor iyo sidoo kale hoggaanka Habardgidir.
Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa federaalka ah ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golka shacabka Mahad Cabdalle Cawad, xildhibaanno golaha shacabka ah, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale.




From the comments