U bood dhigaalka

Wasiir Saabir Shuuriye oo Goobjoog u ga Warramay Qorshaha Dhismaha Dekadda Hobyo

Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo xalay uun daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka go’antahay in la dhiso dekadda magaalada.

Wasiirka oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa xusay in dekadda lagu dhisayo isku tashi bushada Galmudug ah, waxaana uu intaas ku daray in mashruuca lagu dhisaayo ay hormuud u yihiin ganacsatada ka soo jeeda Galmudug.

” Waxaan xalay Galmudug iyo wasaarad ahaan ugu bishaareynay umadda Galmudug, hadda in loo soo diyaar garoobey si isku tashi ah dadka reer Galmudug ah oo aan aaminsannahay dhaqaalaha ugu badan ee Soomaaliyeed marka la xisaabiyo Soomaalida, maamul goboleedyada ugu dhaqaalo badan yihiin Galmudug, in si  iskutashi ah ay ku dhistaan, waana aaminsannahay in ay sameyn karaan, arrintaas ayaana xalay xafladdeenna aan ka sheegnay, iskama aanan sheegin, wadahadal ganacsatada reer Galmudug aan yeelanay iyo wasaarad ahaan ayaan go’aannadaas isla qaadanay, wixii hadda ka dambeeyo waxaan rajeynaynaa inaan ficil u badalno ” ayuu yiri wasiirka Saabir Nuur.

Wasiirka oo sii hadlayo ayaa yiri” Runtii reer Galmudug iyo umadda Soomaaliyeed ee hammineysa in dekaddaan ay dhisanto weligood waa ay jeclaayeen in ay maalgaliyaa  oo ay helaan jaanis ay ku maalgelin karaan, laakiin ma aysan helin hoggaankii saxda ahaa ee maaligalinta ay sameyn lahaayeen u ballan qaadi lahaa mid ammaan ka helayso in aysan dhibaato uga soo noqon. Annaga dowlad ahaan Galmudug waxaan u ballan qaaday si sharciyad ah inaan ganacsata siin doonno Decomenti sharci ah oo dowladda Galmudug ah, oo hanaankeeda sharci lawada marsiiyo, oo waxdhibaato ah aysan uga imaaneynin, oo amnigii aan ka shaqeyno aan ballan qaadnay” ayuu yiri. wasiirka Saabir.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay qorsha mustaqbalka fog ee dekadda ay ka damcsan yihiin ” Dekadda hamigygu   maahan, dekadaha dalka Soomaaliya maanta ku yalla, kan wasaarad ahaan waxaan qoryeynay, qorshahaha aan ka hadlaayo waa qorshe qaadanaayo ilaa 10 sano, oo qeyba ay maalin noqoto, qeybta  ugu horeyso ay noqoto qeyb kaafin karta dadka reer Galmudug, dadka deegaannada ku hareereysan ee maamul goboleedyada dariska lawada ah, aan dhisno labada sano ee sooo socota dekad kaafin karta oo ku filan iyo dowlada deriska sida Itoobiya oo kale oo aan xaduud dheer aan la leenahay haddii aan Galmudug nahay” ayuu yiri wasiirka dekadaha Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Waraysi