Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wakiillada Puntland?
Kulanka golaha wakiillada dawladda goboleedka Puntland, uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeennadiida ka 1aad iyo 2aad ayaa ka qabsoomay magaalada Garowe.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ka doodista wax-ka bedelka xeerka maamulka gobollada iyo degmooyinka maamulka Puntland.
Xildhibaanada golaha wakiillada dawladda goboleedka Puntland ayaa intii kulanka uu socday kaga dooday wax ka bedalka xeerkaas.
Wax-ka bedelka xeerka maamulka gobollada iyo degmooyinka Puntland oo maanta qodob-qodob looga dooday ayaa mudanayaasha golaha wakiillada, ayey sii wadi doonaan ka doodistiisa maalmaha soo socda.
Kulanka maanta ay golahu isugu timaadeen ayaa ahaa kulankii 12-aada kalafadhigii 46-aad ee golaha uu sheesho, waxaana golaha hor yaalla xeerar dhowr ah.
Goobjoog News