Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka hadalay dil maanta loo geystay xildhibaan ka tirsanaa maamulkaas, oo gari uu saarnaa lagala dagay kadibna la dilay.
Guddoomiyaha oo soo saar qoraal ayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Hirshabeelle kaga tacsiyeey geetida ku timidid xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad, oo dagaalamayaal ka tirasan Al-shaab ay kala degeen gaari uu saarnaa oo ku safraayey wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhay iyo Muqdisho, kadibna ay dil u geysteen xildhibaanka.
Qoraalka ka soo baxay guddoomiye Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa lagu yiri “Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.




From the comments