Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan kula qaatay magalada Muqdisho madaxweynayaashii hore ee dalka madaxweyne Shariif Kheikh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey), waxaana u jeedka kulanka labada dhinac lagu sheegay sidii looga xaajoon lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhowr jeer horay ula kulmay madaxdii hore ee dalka soo martay, kuwaas oo in badan aad u dhaliilsan hannaanka dowladda ay u wajahayso arrimaha doorashada, waxaana in badan ay saluug ka muujiyeen in dalka ay doorasho ka qabsoomi karto waqtigeeda ku dhacda.




From the comments