Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa goddomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh, waxaa uu ku eedeeyey inuu jabiyey dastuurka, kadib markii guddoomiyaha uu ka dhawaajiyey in sharciyada qaar aysan khuseynin golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labada goole ee Baarlaamaanka ay yihiin kuwo iskorjoogteynaya, sidaas darteedna hadalka guddoomiyaha uu ka hor imaanayo dastuuurka dalka, waxaana sidoo kale uu ku eedeeyey xukuumadda wada shaqeyn la’aanta golaha aqalka sare oo ah mida ugu muhiimsan sida uu hadalka uu u dhigay.
“Waxaa la yaab leh in guddoonkii uu si cad u yiraahdo, arrimaha ku saabsan doorashooyinka aqalka sare waxba kuma lahan, annaga ayaa axsaan u sameyn jirnay, waa hadal duuban oo jira.Waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkay ah, oo muddo dheer aan isnaqaanay in fahamka nuucaas ah in maskaxdiisa ay ku jirto iyo inuu dano kale leeyahay garan maayo, aqoon darro ayaa u geysay oran maayo oo kuma tumaayo, laakiin inuu sidaas u fahmo oo dadka uu la hadlaayo uu moodo dad aan waxba kala garaneyn, maxaa yeelay Baarlamaanku waa labo aqal, hoose iyo mid sare, oo iskorjoogteynaayo, xeerarka waxaa ay ka imaan karaan Baarlamaanka, waxaa ay ka imaan karaan kan sare, waxaa ay ka imaan karaan xukuumadda ama waxaa ay ka imaan karaan dadweynah” ayuu yiri madaxweynaha.




From the comments