Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay u jeedka kulanka madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galamudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in u jeedka kulanka uu yahay sidii dowladaha xubnaha ka ah ay uga hadli lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka, kadib markii guddiga doorashooyinka qaranka uu sheegay in waqtigaan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cof ah, waxaana ka mid ahaa hadalka madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.
“Waxaan isla qiimaynay in arrimaha jira aysan isla saamaxeynin in taleefan looga wada hadlo oo la isla meel dhiogo, laakiin waxaa la isla gartay in kulan bisha 9-keeda ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug. Ahmiyaddu waxaa ay tahay in lagu qiimeeyo xaalada dalka, sidoo kale wax yaabaha looga hadli doono waxaa kamid ah, sidii dowladda federaalka ah iyo dowlada xubnaha ka ah ay dalka uga wada arrinsan lahaayeen xaalada hadda taagan oo ay tahay in laga gudbo oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladda doorashooyinka”.




From the comments