Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan ee ka jira dalka.
Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahayeen Shahadada radmiga ah.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka sheekaysay sida ay ugu dedaaleen in la helo Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee la xariirta doorashada iyadoo hay’adaha ku shaqada leh aan kaga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuruucdaas.










From the comments