Goobjoog

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa. Ajandaha kulanka Maanta ee golaha shacabka ayaa…

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka Maanta ee golaha shacabka ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka.

Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments