Xasan Sheekh Maxamuud ‘‘Kulankii Aan La Qaadanay Guddoonka Golaha Shacabka Ma Ahayn Mid Laga Lahaa Ujeedo Gaar ah”
Madaxwaynihii Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaafin ka bixiyay ujeedka kulan magaalada Muqdisho ay kula qaateen isaga Madaxweynihii Dowladdii ku-meel gaarka Shariif Sheekh Axmed Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulankaas ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi iyo kala warqaadasho xaalada siyaasadeed ee dalka.
Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in shirkaas uusan ahayn mid siyaasadeysan isla markaana aan loo fasiran mid laga lahaa ujeedo gaar ah.
“Ma jirin qorshe gaar ah oo ay inoo keeneen Guddoonka Golaha shacabka , mana jirin qorshe kale oo gaar ah oo Madasha Xisbiyada Qaran ay dhiibtay madaxda Golaha shacabka ” ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran waa mid cad waligiisana cadaa waa in doorashadu ay ku dhacdaa jawi degan oo wada ogol ah”
Mar uu ka hadlayay wajiga seddaxaad ee shirka dhuusmareeb waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in muhiim ay tahay in ay ka qayb galaan madaxda Xisbiyada iyo dadka ay ka go’do siyaasadda dalka
Halkan Ka Daawo Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Hadlay Warbaahinta
Goobjoog News